Dhanka Ilaahey Ma U Cararnaa?
Dhanka Ilaahey Ma U Cararnaa?
Dhanka Ilaahey Ma U Cararnaa?
Markii xaajadu xumaato oo meel loo ceyrsado la waayo, markii caqligu fadhiisto oo cayshkuna
ciriiri galo, markii naftu soo uruurto oo aad indhahaaga hortooda geerida ka aragto, meesha kaliya
oo loo cararayaa waa Ilaahey agtiis. Sidaas, ayaa Ilaahey Qur’aankiisa nagu amray, wuxuuna yiri:
“Fa firuu Ila laahi, Inni lakum minhu nadiirun mubiin”, taas oo micnaheedu yahay: ucarara
dhanka Ilaahey, anigu digniin cad ayaan idinkaga wadaa dhankiisa. Markaan oo kale, Ilaahey ayaa
loo noqodaa, asiga kaliya ayaa loo dan-sheegtaa, asiga kaliya ayaa yuwaada inuu sameeyo waxa
uu rabo iyo sida uu rabo. Qofka tooba keenka ah waxaa laga rabaa inuu qalbi saafi ah oo ay ku
dheehantahay cabsida Ilaahey la yimaado, si dhab ahna Ilaahey dhankiisa ugu cararo, toobad keen
run ahna la yimaado. Xaalka koofurta Somaaliya, gaar ahaan waxyaabaha ka socda magaalada
Muqdisho, shuruudda tooba-keenka waxaa ka mid ah in hantidii la boobay loo celiyo dadkii lahaa
iyo dhigii gardarada loo daadshay mag laga bixiyo oo laga garaabo. Waxaa la iska rabaa in
khaladkii hore loo galay, la go’ansado inaan dib loogu noqon. Waxaa tooba keenka ka mid ah in la
wada qiro in dalka, diinta iyo dawladnimada ay Somaalidu shirko ku tahay. Waxaa la iska rabaa in
musiibada si wada jir ah loo wajaho oo inta dagaalada dhamaan la joojiyo, wada tashi lagu balamo.
Haseyeeshee, magaalada Muqdisho gaar ahaan, waxaa ka muuqata tallo xumo weyn, ma muuqato
tooba-keen saafi ah, ma muuqato u damqashada shacbiga dhibaateysan oo dushooda madaaficda
lagu garaacayo. Waxaan mareynaa baroor-diiq kasii baroor-diiq iyo tacsi joogto ah. Waxaan ka
sheekeyneynaa qaabka loo dilay waxgarad badan. Waxaan mareynaa qixitaan joogto ah oo aan la
garaneyn meesha looga sii qixidoono meesha hadda loo qaxay. Waxaan mareynaa inaan shisheeye
kaalmo iyo taageero ka doonano si aan dagaalka dhexdeyna ah usii hurino. Faragelinta Al-
Qacidda, Itoobiya iyo Eriteria ayaan marmasiyo ka dhiganeynaa. Dagaalka Somaalida u dhexeeya
wuxuu soo jiray muddo dheer, maalinba wuxuu soo gaarayay heer, hadana wuxuu joogaa in lagu
diriro magaca “Islaamka”. Waxaa la marayaa in Qur’aanka la isku daliishado, diinta la iska saaro,
dhiiggana la xalaashado. Dawladda KMG iyo mucaaradkeeda hubeysan awood ciidan oo ay ku
2
dagaalamaan ma laha, hubka, lacagta iyo tababarka waxey kula xiranyihiin xoogag shisheeye oo
ayagu dirirsan, dhiiga daadanayana waa kan Somaaliga.
Markii heerkaan murugsan xaaladu gaarto, dad badan waxaa ka soo hara aamusnaan iyo
amankaag. Kuwa kalena waa is-madax-maraan, kuwa kalena waxaa waxey diidaan iney aamusaan
waxey cabiraan xaaladooda. Dadka qaar ayaa gabya ayaga oo aan hore loogu baran iney
suugaanley yihiin. Hadaba, erayada calaacalka ah ee hoos ku qoran, waxaa mireheeda iska leh oo
curiyay ruux aan hadda ka hor gabay ama hees aan lagu aqoon. Miraha heestu waxey iftiiminayaan
sida ay ufikirayaan aqoonyahaanada bulshada rayidka ah, gaar ahaan kuwii kasoo shaqeynayay
waxbarashda, caafimaadka iyo dhamaan adeegyada bulsha ee magaalda Muqdisho intii dagaalada
sokeeye socdeen.
Tixdaas aan soo sheegnay waxey cabireysaa ruux ka shaqeynaya wanaagga dadkiisa, dhismaha
dalkiisa oo wax kasta uu dhisaba ay burburin la daba socdaan kooxaha hubeysan oo aan u naxeyn
dadka iyo dalka. Su’aalaha ah maxaa nala gudboon waxaa jawaab ka bixinaya tixda miriheedu
hoos ku qoranyihiin, taas oo cabireysa xaaladu sida ay u cakirantahay iyo sida uu yahay dareenka
dadweynaha.
Markii xaalku sidaas soo gaaray ayaa baroorta inta la isku darsaday oo taladii soo oodantay ayaa
inta la isfiirshay, waxaa loo cararay dhanka Ilaahey. Markaas ayaa la wada qaaday heestaan Rabbi
tuugga ah:
Markii Ilaahey ummadiisa lunsan u gargaarayo, wuxuu ka dhaliyaa wax garad wanaagga u
horseeda, wuxuu siiyaa tawfiiq ay isku raacaan waxyaabaha fiican, ugana soo hosjeestaan
waxyaabaha xun. Markii umaadiisa Ilaahey kheyrka la doonayo, wuxuu garaadsiiyaa waddada
maamulka, dawladnimada iyo kala dambeynta. Dawladnimo si sax ah loo maamulay oo kaliya
ayaa badbaadin kartaa nafta, diinta, maalka, sharafta iyo caqliga. Badbaadinta shataas qodob oo
aan soo sheegnay ayaa sal u ah ujeedada dhaqangelinta shareecada Islaamka. Sidoo kale, haddii
Ilaahey ummad halaagayo wuxuu madax uga dhigaa kuwooda xun, markaas ay ayey xumaan ku
hogaamiyaan. Sidaas ayaa qur’aanka kariimka ah lagu yiri: “Wa-idaa aradnaa an nuhlika
qaryatan amarnaa mutrafiihaa, fa fasaquu fiihaa fa-xaqa caleyhal qawlu faddamarnaahaa
4
tadmiiraan”. Micnaheeda guud ahaan waa haddii aan rabno inaan ummad halaagno, waxaan
madax uga dhignaa kuwa xun-xun oo kibirsan, markaas ayey fusuq iyo jawro sameeyaan, waxaana
ku dhaca amarka ilaahey, markaas ayaan si buuxda u burburinaa.
Ugu dambeystii, aan dhamaan Ilaah u noqono oo dhankiisa u cararno, aan ogaanno in dambiga ugu
weyn ee ruux Muslim ah galo, marka laga reebo gaalnimada, ay tahay inuu gardaro ku daadiyo
dhiig aadami ah oo Ilaahey karaameeyay iskaba daa dhiigga ruuxa Muslimka ah. Waa inaan
ogaanaa in meesha loo socdaa ay tahay meel baas, gobanimada iyo madaxbanaanida Somaaliya ay
halis ku jirto.