Tusmada Xikmadaha.
Tusmada Xikmadaha.
Tusmada Xikmadaha.
“Gureey Xikmadle “
4
Mahadnaq
Marka Kowaad Mahada Ugu Haboon Waa Mida Alle Mahad
idilkeedana Asiga Ayee Usugnaatey, Mida Xigta Waxay Mahad
usugnaatey Qof Waliba oo Ku Dhiirada Buugaan islamarkaana
Aqriyo. Waxaan Marka Xigto Siinayaa Mahad Guud iyo Mid
Gaarba Ah Dhamaan Ummada Soomaaliyeed iyo Qof Waliba oo
Ku Hadla Luqada Soomaaliga.
Afeef
Waxaan Ka Afeefanayaa Dhamaan Qalad Waliba oo
Dhankeyga Ka sugnaaday. Ma Qaldame Waa Alle
Subxaana Watacaalaa Waxaana idiinka Raali Galinayaa
Qalad Qoraalka Ee Ka Yimaada Buugaan Qaladku Waa
Astaanta insaanka Waxii Haboon Waxay Ka Ahaadeen
Dhanka Alle,Waxii Khalad Ahna Waxa Ka Ahaadeen
Dhanka Sheydaanka.
Qoraalada Qaladkooda Ma Dhamaado Waxaa Macquul
Ah Adiga oo Waqti Badan Ku Baxshay inuu Hadane
Qalad Ka imaado Taasi Waa Astaan Bani,aadanimo in
Qalad Uu Dhaco Dhamaan Arimahaan iyo Arimo Kale oo
Kusaabsan Buugaan Magaciisu Yahay Xulka Xikmadaha.
Waa Xog Uruurin Aan Kusameeyey Qeyb Kusaabsan
Xikmadaha Nolosha iyo Dadyowga Ay Kasoo Burqadeen,
Waa Soo Gudbin iyo Baaris Qaadatey Waqti Uu Dareemi
Karo Qof Qoraa Waxaan Mar Kowaad iyo Mar Labaad
Dhahayaa Qaladku Waa Qadar iyo Fahan Kadaahsoon
Bani,aadamka Mar marka Qaar Mahadsanidiin
Dhamaantiina.
6
Xuquuqda Buugga
Buuggaan Lama daabacan, karo lamana sawiran karo
ama waddo kale oo ka baxsan wadada loogu Talagalay,
Looma isticmaali karo iyada oo aan fasax qoran laga
haysan qoraagga buugga, iyo Madbacadda buugaagta
JAABIR PRINTING AND BOOKSHOP.
7
Daabacadii 1aad
Date
1/8/2023
Xulka Xikmadaha
10
xaaladahaaga u arkeysid
X ikmadaha Qoraaga
45
X
ikmadaha Ragga
61
“William Shakespear “
Doqonimo Ma Ahan in Gabadhu Rumeeysato
Beentaada, Laakiin Waxaa Doqonimo Ah inaad
Raganimo Dareento Adiga oo Been sheegayo.
Markaad Gabar Lahadleeyso Aad udhageeyso Waxa
ay indhaheedu Leeyihiin.
Abtigu Waa Waalid, Adeerkuna Waa tiir,Saaxiibkuna
Waa Lafdhabar i aamina Ma jirto Qof Kuu istaagi
Kara Booska Aabahaa.Aabahu Waa nimco Ma Garan
Doontid Qiimahiisa ilaa Aad Ka Weydo Ma ahane.
Waxaan Kaaga Digayaa inaad Been usheegto
Dumarka , Waayo Waxay Leeyihiin Awood Cajiib Ah
inay Ogaadaan Runta iyo Awooda Kasii Badan in ay
Qariyaan Runta ay Ogaadeen.
Aamusnaanta Gabadha Waa Fariin Digniin Ah Ay
udireeyso Ninka Taas oo Ah inay Ka Tuureeyso
Qalbigeeda.
Rag jidiin baa Walaaleeya ,Ee jiir ma Walaaleeyo.
Rag Waxa Uu yiri Rag baa Diida.
Raggana Dhugga, Ratigana ilkahaa Laga Eegaa.
Rag Waa Arin Keen iyo Aqbal Keen.
Raga Runta Kama Nixiso.
Rag Waxaan Naftiisa Ahayn buu Maareeyaa.
Rag Qabri iyo Qowl baa Ka Hara.
64
X ikmadaha Dumarka
69
Damaca,
Shacuurta ,
Aqoonta .
Xikmadaha Hooyo
Waxaan Mooday Hooyadeyda inay Soo Saarto
Cuntada Aan jeclahay, Balse Waxaan Xaqiiqsadey
inay Hooyo Soo Saarin Cunada Balse Aan Anigu
jeclahay Cunada Ay Sameeyso.
Hooyo Waxaan ku jeclahay Jaceyl Aan La Awoodin
in La Qoro, Laguna Dhawaaqo Hooyo Waa Boqorad
umana Baahna inay Xirato Taajka Boqorada Xirtaan,
90
“Lin Yutang “
Maansada 1aad
Maansada 3aad
Miyaan Gama Haweystaa
Habeenkii La,aantaa
Aan Hori useexdaa
Hadii Aanad ila Hadal
Hooyo Aanad igu Odhan
Hurdo Miyeey I Qabataa
99
Aragaagu Hooyooy
Hagahayga Noloshee
Jannadii Ku Hoyoo
X ikmadaha jaceylka
101
“Qoraha Lama
Yaqaan “
Jaceylku Waa Marka Qofka Kale Farxadiisu Kaala
Muhiimsantahay Farxadaada.
“ H. jackson
Barow , jr “
Jaceylka Badan Waan Ka Baqaa, Hadane jaceylka Yari
ima Raali Galiyo.
“Mai Ziadah “
Waajibka Ugu Horeeyo Ee jaceylka Waa in La
isdhageysto.
“Paul Tillich “
Indhaha Ku jecel Waxay Arkaan bey beeniyaan
,Dhagaha Ku Necebina Waxa Lagaa Sheegay Ayee
Aaminaan.
“Najiib
Mahfuuz “
Dulqaad Yeelo Waxkasta Waa Kakan Yihiin inta
Ayna Fudayd noqon.
“Saadir”
Dhamaan Riyooyinkeena Waxay Noqon Karaan Run
Hadii Aynu Ku Dhiirano in Aynu Raacdeysano.
“Walt Disney “
Qofka Kaliya Ee Sida Dhabta Kuu Dhiirogalin Kara
Waa Adiga.
111
“Shaq “
X
ikmadaha Waxbarashada
113
X
ikmadaha Waqtiga
120
X
ikmadaha Akhlaaqda
129
“Abwaan Laab-saalax “
Akhiristihii Alle Dartiisa ii Aqrisan jirow Maanatana
Waxaan Wadaa Mar Kale Wanaagyo Aan Kasoo Guray
Beerihii Wanaagsanaa Ee Ku Yaalay Buuraha
Wanaagsan,Biyo Aan Kasoo Daray Badihii Wanaaga
Badnaana Sidoo Kale Waan idiin Wadaa
Walaalahayow,iiWanaajiya Maqalka inta aan idiin
Wado Warkaan Wanaaga Badan.
Allaah Waxa Uu Ka Yeelay Akhlaaqda Mideeda
Wanaagsan.
Badbaadaa.
Carfiyaan Arlada.
Ahayn Akhlaaq.
Xiriiriyo.
Wanaagsan.
Doonto.
Dhawaaqin.
Martid.
X ikmadaha Nolosha
139
X ikmadaha Guusha
155
X ikmadaha Culimada
165
X ikmadaha Feylasuufyada
185
“Suqraad “
Qaabka Ugu Mudan Ee Aad Nolol Sharaf Leh Ugu
Noolaan Kartaa Waa inaad Sida Aad Dooneeyso
inaad Caalamka ula Muuqato.
“Suqraad “
Qofka Fakarkiisa Wanaajiya Xaqa Ayaa Lawaafajiyaa
Qofka Dadaalka joogteeyana Hiigsigiisa Ayaa
Lawaafajiyaa.
“Suqraad “
Ereyada Beenta Sidooda Shar uma Aha Ee Ruuxda
Ayee Sharta uhorseedaan.
“Suqraad “
Boqornimada Dhabta Ah Ee Aadanahu Waa in Qofka
Uu Ka Adkaado Shahwadiisa.
“Suqraad “
Cadaalada Ayaa Aduunka Lagu Kulmin Karaa Hal
ujeedo, Ee Dulmiga Daafahiisa La isuguma Keeni
Karo.
“Suqraad “
Noloshu Waa Qaali Majiro Qasaaro Kaweyn Qofka oo
Waayo Noloshiisa isaga oo Aan Ku Hanan Nolosha
Ka Dambeeysa Ee Abidiga Ah.
“Suqraad “
188
“Suqraad “
Muhiim Ma Ahan in Hadalkeyga La Aqbalo , Balse
Waxaa Muhiim Ah inuu Xaqiiqo Yahay.
“Suqraad “
Jaceylku Waa Xanuun Aad uwanaagsan , Waana
Doqonimo in Aynu Diidno inuu Nagu Dhaco.
“Suqraad “
Hadaad Ku Dhaheeyso Gabar Waad Qurux Badan
Tahay Dhagta usaar , Hadii Kale Sheydaanka Ayaa
Marar Badan Ugu Soo Celinaayo Jabaq Noqodka
Codkaas Ahaa Waad Qurux badan Tahay.
“Suqraad “
Fiiro Gaabnaanta Waa Waxa Aadanaha u Horseedo in
Ay Dilaan indheer Garadkooda.
“Suqraad “
“Suqraad “
Aqoonyahanku Waa in Uu ulahadlaa Jaahilka, Sida
Dhaqtarka ula Hadlo Bukaankiisa.
“Suqraad “
Hadii Aad Arin Ugu Baahato Sida Markii Aad biyo
Ku Qarqoonto Aad Hawada Ugu Baahantahay
Hubanti Waa Heleysaa.
“Suqraad “
Fikir Ayuu Qofka Camalkiisa Kaga Dhigan Karaa
Ubax Ama Qodax.
“Suqraad “
Qofka Waxaa Lagu Qiimeeyaa Hadalkiisa , Waxaana
Lagula Xisaabtamaa Ficilkiisa.
“ ibnu Khalduun “
Meesha Ugu Sareeyso Edebta Waa inaad
Dhageeysato Qof kaaga Sheekeynaya Shey Aad
Taqaano, Laakiin Asiga Uusan Aqoonin.
“ Ibnu Khalduun “
Qofkii Falsafada in Yar Ka Aqriyaa Dhinac ilxaadka
Ayuu uleexdaa, Laakiin Qofkii Waxbadan Ka Aqriyaa
iimaankiisa Ayaa Kobco.
“ Ibnu Khalduun “
Taariikhda Marka Dusha Laga Eegayo Waa War Uun,
Balse Waxaa Ku Hoos Qarsoon Xaqiiqooyin iyo
Cibro Qaadasho.
192
“ibnu Khalduun “
Ka Laga Adkaadaa Waligii Waxa Uu Jecleystaa
Habdhaqanka Kan Ka Adkaaday.
“ Ibnu Khalduun “
Fitnooyinka Ku Hoos Dhuunta Magaca Diinta Waa
Ganacsi La Suuq Geeynayo Marka Heerka Fekerka
Ummada Hoos udhaco.
“ibnu Khalduun “
Shacuubta Tabarta Daran Akhlaaqdooda Ayaa
Dhimata oo Xumaata.
“ Ibnu Khalduun “
Afka ummada Ku Hadleeyso Waa Labada Tiir Ee
Fikirkooda Ku Qotomo , Hadii Aynaan Lahayn Af
Dhisan , Ma Yeelaneyno Feker Dhisan oo
Dhameystiran.
“ibnu Khalduun “
Marka Ay Ummada Dowladooda Dunto ,
Aqoonyahanada iyo Afmiishaaradu Wey Bataan ,
indheergaradnimada iyo Feker Qumanaanta Wey
Damaan.
“ibnu Khalduun “
Dadka Xasiloonida Wey Ka Siman Yihiin Ee Marka
Ay Dhibaato Timaado Ayey Bur iyo ukala Baxaan.
“ibnu Khalduun “
193
“Leo Tolstoy “
Heerarka Ugu Sareeyso Xikmadu Waa in Uu
Aadamaha Ogaado inuusan Waxba Ogeyn oo
Garashadiisa Ay Xadidan Tahay.
“Leo Tolstoy “
Marka Uu Qof Ku Khiyaamo Waa Sidii inuu Gacanta
Ku jaray oo Kale .Waad Awoodaa in Aad Cafido ,
Balse Ma Awoodid in Aad Laabta Galiso.
“Leo Tolstoy “
Ma jiro Qof Daciif oo Taagdaran Ahi , Balse Waxaa
jira Qof Aan Aqoonin Halka Uu Awooda Uu Ku
Leeyahay.
“Leo Tolstoy “
Geesinimada Ma ahan inaad Sheegto Waxa Aad
Aaminsantahay , Ee Geesinimada Waa in Aad
Aaminsanaato Waxkasto oo Aad Sheegeyso.
“Leo Tolstoy “
Ixtiraamka Waxaa Loo Sameeyey in Lagu Buuxiyo
Booska Banaan Ee Ay Ahyd in Lagu Buuxiyo
jaceylka.
“Leo Tolstoy “
Marka Aad Qof jeclaato Waa inaad Ku jeclaataa Sida
Uu Yahay, Ee Aadan Ku jeclaanin Sida Aad Ka
Dooneysid.Xataa Wabiga Ay Biyahiisu Burqanayaan
199
“William Shakespear “
Gabadha Seddex Arin Ayaa Maamus uyeela Waana
Anshax , Aqoonta , iyo Akhlaaqda Suuban.
“William Shakespear “
Aduunyada Waa Qalbiga Ninka ,Qalbiga Gabadhani
Waa Aduunyada , Sidaa Awgeed Gabadhu Waxay
Wax u Aragtaa Si Qoto Dheer , Ninkuna Si Xeel
Dheer.
“William Shakespear “
X
ikmadaha Hal-abuurada
210
“Dr.ibraahim Alfiqi”
Marka Aad Kor ubaxdo Saaxiibadaa Waxay
Garanayaan Kan Aad Tahay , Laakiin Marka Aad
Dhacdo Adiga Ayaa Garanayo Midka Saaxiibkaaga
Dhabta Ah.
“Dr.ibraahim Alfiqi”
Hadii aan Loolan jirin Wax Ma Barateen ,Hadii aanay
Murugo jirin Baraare Ma Gaarteen,Hadii aanan
Fashilmin Baraare Lama Gaareen.
“Dr.ibraahim Alfiqi”
Marka Aynu Tagtada Madiifino , Taagantada
Habeeyno, Ayeenu Timaadada Dhisnaa.
“Dr.ibraahim Alfiqi”
Caalamkeena Maanta Boobayaasha Xoogan Waa Uu
Aqoonsanyahay,Liitayaasha Taagta Darana Waa Uu
Yasaa.
“Dr.ibraahim Alfiqi”
Jiilaalku Waa Bilowga Gu,a,Mugdigu Waa Bilowga
iftiinka , Fashilkuna Waa Bilowga Libinta.
“Dr.ibraahim Alfiqi”
Ku Socodka jidka Toosan uma baahna indho Furan,
Ee Waxa Uu ubaahanyahay Qalbi Furan.
“Dr.ibraahim Alfiqi”
214
X
ikmadihii Gaambull
220
Dhamaad
Waxaa Mahad Leh Allahii Na Abuuray Dhamaanteena
Fadli iyo Mahadnaq idilkeeda Usugnaatey
Buugaagta Xigo Ee Aan Soo Wado Haduu Alle Raali
Kanoqdo Waxaa Kamid Ah:-
Halbeega Nolosha ,
Xaqiiqooyinka Nolosha,
Duulanada Muslimiinta,
Halbeega Waxsoo Saarka,
Caalamka Fikradaha,
Cilmi Nafsiga,
Yajuuj Majuuj
Buugaagtaana Waan Qoray