Dhaqanka Soomaali
- Kani waa maqaal ku saabsan dhaqanka Soomaalida. Qoraalo kale fiiri dhaqan iyo Dhaqanka Soomaaliya.
Qeyb ka mid ah silsilada |
Dhaqanka Soomaaliya |
---|
Dhaqanka |
Bulshada |
Diimaha |
Luuqada |
Siyaasad |
Dhaqanka Soomaalida (Af Ingiriis : Culture of Somalia; Af Carabi : ar) waa hab nololeedka iyo nidaamka dhaqan ee dadka Soomaalida ah; taasi ooy ka mid tahay luuqada, cuntada, suugaanta, fanka, farshaxanta, habaynta iyo soo bandhiga heesaha Soomaalida, ruwaayadaha, majaajilooyinka u dhaqanka ah dadka Soomaalida ah meelkasta ooy joogaan, gaar ahaan inta ku dhaqan Bariga Afrika. Guud ahaan, dhaqanka Soomaalidu waa haybada iyo sharafta u gaarka ah bulsho weynta Soomaalida meel kastooy caalamka kaga dhaqan yihiin. Sidoo kale, dadka ku hadla Af Soomaaliga waxay leeyihiin fan iyo suugaan aad u heersareeya, qani ku ah aqoon iyo xirfad qoto dheer. In kastoo fanka maanta jira yahay mid aad u da' yar wuxuu leeyahay waaxyo iyo noocyo aad u badan. Kuwaasi waxaa ka mid ah heesaha qaaciga, qaraamiga, heesaha jaaska, ruwaayadaha, majaajiloyinka, filimaanta, bandhigyada fanka, qoob-ka-ciyaarka iyo guud ahaan madadaalada ku baxda luuqada Soomaaliga.
Sharaxaad
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Dhaqanka Soomaalidu waa mid soo jireen ahaa kaasi oo jiilal badan iska dhaxleen. Sida taariikhyahanadu sheegeen wuxuu asal ahaan ka sameeysmay nolosha maalinle iyo xidhiidhka bulshada Soomaalidu la sameeysay bulshooyinka jaarka ah (deriska) iyo cilaaqaadka ganacsi iyo waxbarasho ee deegaanada fogfog. Sidoo kale dhaqanka Soomaalidu wuxuu in badan ku salaysan yahay diinta Islaamka oo dadka Soomaalida intooda u badan aaminsan yihiin.
Walhtiga gumeysiga, waxaa gaashaan u noqday dhaqanka dooxada Nugaal, waa dawladda iyo halganka boqortooyada 16aad Diiriye Guure. Waxaa boqortooyadaas ka mid ahaa abaanduulkii guud ee u adeecay Diiriye Guure, adeece Ismaaciil Mire.
Hordhac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Dhaqanka Soomaalidu waa mid soo jireen ahaa mudo aad u dheer, kaasi oo saameyn badan ku leedahay dadka badmareenada ah ee iskaga gooshi jirtey deegaano badan. Tusaale ahaan, Cunto Soomaalidu waxay salka ku heeysaa meelo badan oo caalamka ah; waxaana ku jira noocyo badan oo laga keenay wadanada jaarka ah sida Carabta, Bariga Dhexe iyo meelo kale oo Aasiya ah. Waxba kama jiraan waxan meeja lagu soo qoray
Habka Fanka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Sida caalamka qireen , dhaqanka Soomaalidu wuxuu qani ku yahay fanka iyo suugaanta. Samayska midhaha fanka ayaa ah mid aad u cajiib badan. Waxaanu fanku inta badan ka turjumaa nolosha iyo Waayaha Bulshada. Dhinaca kale heesaha Af Soomaaligu waa kuwo ka duwan caalamka dhan. Aslakooda waxay heesuhu u dhacaan hab jiidjiid isku xidhan ah. Dadka ajaanibka ah marka ugu horeeysa maqla heeso Soomaaliga waxay ku khaldaan kuwa Itoobiya, Suudaan ama Carabta, laakiin Waxaa markaaba lagu garan karaa laxanka iyo habka ay u dhacayso heesta. Heesaha Waxaa sameeya dhowr nooc oo dad ah, kuwaasi waxaa ka mid ah abwaanka, laxanmiistaha, fanaanka.[1]
Inta ugu badan heesaha waxaa loo garaacaa qalab kala duwan, sida kabanka, durbaanka, turunbada. Laakiin wakhtiyadan dambe waxaa inta badan caan ah biyaanoda.[2]
Si kastaba ha ahaate, deegaanada Koonfurta Soomaaliya iyo meelaha u dhow xeebaha waxaa caan ka ah noocyo kale oo heeso Soomaali ah. Kuwaasi Waxaa ka mida:[3][4][5]
- Qalabka la tumo: narso, mokhoddon iyo masoondhe (durbaan aad u wayn), reeme, jabbu iyi yoome (durbaano yaryar);
- Qalabka la afuufo: malkad iyi siinbaar, sumaari, fuugwo buun, muufe iyo gees-goodir;
- Qalab shanqadha: shagal (qalab biro la isku garaacayo), shanbaal (alwaax la tumayo), shunuuf, tenegyo,
- Noocyo kale: shareero, kinaandha, madhuube, iyo seese.
Taariikh
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Qeyb ka mid ah silsilada |
Fanka Soomaalida |
---|
Fanka iyo Suugaanta |
Masraxa |
Qeybaha Heesaha |
Hirwo Dhaqameed |
Qalabka |
La Xidhiidha |
Guud ahaan heesaha aan maanta naqaano ee Af Soomaaliga lagu qaado waxay soo bilaabmeen 1930meeyihii. Taas macnaheedu ma ahan in dadka Soomaalida heesta aqoonin wixii ka horeeyay 1930kii, laakiin Waxaa wakhtigan bilaabmey heesaha leh muusiga, kabanka, durmaanka, turunbada iyo wixii la mid ah.
Heesaha la qaadi jiray ka soo biloow 1930meeyihii ilaa laga soo gaadho 1970kii waxaa sida guud loo yaqaanaa qaraami, halka kuwa wakhtiyadii 70aadki ka dambeyay isla markaana kaban loo garaacayo loo yaqaano qaaci.
Noocyada
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Fanka Soomaalida waxaa ku jira noocyo badan, kuwaasi waxaa ugu caansan: qaraamiga, qaaciga, jaaska, saarka, ruwaayada, majaajilada, filimaanta iyo wixii la halmaala. Waxa hubaal ah in qofkasta ku khalkhalayo farqiga qaaci iyo qaraami. Qaacigu waa nooc ka mid ah heesaha kuwaasi oo la qaado ayadoo (fanaanku) fadhiyo, loo garaaco sida badan kaban iyo sacab kali ah, laakiin qaarkood lagu daro durmaan ama narso iyo turunbo. Si taasi ka duwan, qaraamiga Waxaa la garaacaya noocyo badan oo qalabka muusig ah, fanaaniintu way taagan yihiin ciyaarayaan (isruxayaan) ama way fadhiyaan.
Qaaciga
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Qaacigu waa nooc ka mid ah heesaha Soomaalida taasi oo leh dhandhan ka duwan noocyada kale ee Suugaanta. Qaacigu waa hees caadi ah oo loo tumayo kaban ama gitaar, durbaan iyo sacab kali ah. Mararka qaar waxaa muusiga qaaciga lagu daraa turunbo. Heesaha qaacigu waa kuwo degan, dhandhan fiican leh, oo inta ugu badan si sahlan loo sameeyo.
Fanka Soomaalida waxaa in badan ku jira heeso qaaci ah oo la sameeyay wakhtiyo la baashaalayo.
Heesaha Qaaciga Caanka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Heesaha hoos ku xusan waa kuwo dhowr jeer oo kala duwan la qaaday. Waxaa laga yaaba inaad aragtey heesta oo leh muusig ama la soo cusboonaysiiyay. Kuwa aan halkan ku soo bandhigay waa nooc qaaci ah.
- Heesta Kabuldheh Archived Maaj 10, 2016 // Wayback Machine wada qaadan Hibo Nuura iyo Saalax Qaasim
Muuqaal
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Kuwani waa sawiro muujinaya qaabka iyo nidaamka dhaqanka Soomaalida.
Shakhsiyaad Caanka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Qoraalo La Xidhiidha
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Sawiro
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Fiirogaar: halkan laguma soo bandhigayo dhamaan fanaaniinta, sawiraantani waa qaar ka mid ah bulshada fanka Soomaalida
-
Falis
Cadaymo
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Abdullahi, Mohamed Diriye. Greenwood. ISBN 978-0-313-31333-2 http://books.google.com/books?id=2Nu918tYMB8C. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - Ministry of Information and National Guidance, Mogadishu, Somalia (1974). Somali Culture and Folklore
- Mukhtar, Mohamed Haji (2003) Historical Dictionary of Somalia. Scarecrow Press. ISBN 0-8108-4344-7
- Puchowski, Douglas (2013). The Concise Garland Encyclopedia of World Music, Volume 1. Routledge, ISBN 9781136095702
Linkiyo Banaanka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Bclub19
- Markacadey Archived Diseembar 19, 2013 // Wayback Machine
- Somali Music
- Interview About Somali Music
- Sawiraan Kabanka Soomaalida iyo Masa Archived Diseembar 20, 2007 // Wayback Machine
- Oud Cafe
- shanqadha kabanka
Tixraac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |